golis

Hirshabeele: ciidamo gacanta ku dhigay rag dhac ka geysan jiray Balcad

Ciidamada amaanka ee maamulka Hirshabeele ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka fuliyay wadada xiriirsa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad.

Saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeele ayaa sheegay ujeedka howlgalkan in uu yahay sidii loola dagaalami lahaa kooxo burcad ah oo caadeystay in ay jidgooyoyin u dhigtaan gaadiidka ku safraya inta u dhexeysa Balcad iyo Muqdisho.

Masuuliyiinta degmada Balcad ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah kooxihii burcada ahaa ee dhaca u geysanayay dadka rakaabka ah ee adeegsanaya inta u dhexeysa Xamar iyo Balcad laguna guuleystay ujeedkii howlgalka laga lahaa.

Deegaanada qaar ee uu ka aramiyo maamulka Hirshabeele ayaa dhac iyo boob waxaa ka geysta kooxo burcad ah kuwaasoo jidgooyooyin u dhigta dadka rakaabka ah ee adeegsada wadada dheer ee laamiga ee ka baxda Muqdisho aadana deegaanada Hirshabeele.

Horseed Media 2018