golis

Xilka qaadis lagu sameeyay duqii degmada Beledweyne

Wasiirka arimaha gudaha Hirshabeele Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in Cali Cabduqaadi Faarax oo ah duqii magaalada Beledweyne xilka looga qaaday sababo aan la shaacin xili ay jirtay xiisad siyaasadeed oo ka taagnayd Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa horey sidan oo kale xilkii uga qaaday gudoomiyahan iyadoona uu ku gacan seyray xilka qaadistaasi.

Wareegtadan hada uu wasiirka arimaha gudaha Hirshabeele xilka uga qaaday duqii hore ee Beledweyne ayaa meesha ka saaraysa xiisada siyaasadeed ee ka dhex curatay masuulyiinta gobolka Hiiraan oo uu duqa xilka laga qaaday kamid ahaa.

Horseed Media 2018