golis

Beledweyne: Kooxo hubeysan oo dil u geystay nabadoon

Sida ay wararka nagu soo gaarayaan dabley hubeysan ayaa habeenimadii xalay magaalada Beledweyne ku dilay mid kamid ah nabadoonada aadka looga yaqaan magaaladaasi.

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay In Cismaan Yuusuf Ciiley oo ah nabadoonka la dilay ay toogteen xili uu kasoo baxay masjjid ku yaala xaafada Hanti wadaag ee magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwo xasilinta magaalada Beledweyne ayaa goor dambe oo uu diku dhacay gaaray goobta lagu dilay nabadoonka,waxaana ay bilaabeen baaritaano la xiriira kooxihii dilka ka dambeeyay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka nabadoonka hase ahaatee muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Baledweyne waxaa ka dhacayay  falal isugu jira dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka birimo geydada ah.

Horseed Media 2018