Xasan Cali Kheyre raisal wasaaraha dawlada federaalka soomaaliya ayaa kormeer iyo booqasho ku tagay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan ciidamo ka tirsan policeka Soomaliya oo loo diyaarinayo sugida amniga caasimada soomaaliya Muqdisho.
Xasan Cali Khayre waxaa boqashadiisa ku wehelinaya wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada, Raisal wasaaraha ayaana warbixino ka dhagaystay macalimiinta tababaraysa ciidamada.
“Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen
Cumar ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaasoo la wareegaya Amniga.
“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir.