golis

Maamulka Hirshabelle oo xilalkii ka qaaday masuuliyiin ugu magacawnaa gobolka hiiraan

Wareegto kasoo baxday wasiirka arimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Wareegtada ayaa xilalkii looga xayuubiyay Xoghayahii degmada Beledweyne iyo gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada gobolka Hiiraan Cismaan Xuseen Cali.

Isla wareegtada ayaa lagu magacaabay masuuliyiinjta kala Cabdiqaadir Maxamed Arwaax oo loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada gobolka Hiiraan iyo Cabdirisaaq Cali Wareer oo isna loo magacaabay xoghayaha degmada Beledweyne.

Sidoo kale wareegtada ayaa xil loogu magacaabay Cali Cismaan Maxamed kaas oo loo magacaabay madaxa samafalka iyo musiibooyinka Maxaas.

Horseed Media 2018Horseed Media 2018