Wasiirka Maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa been abuur ku tilmaamay eedaha musuq maasuqa ee ay u jeediyeen gudiga maaliyadda golaha shacabka.
Dr Beyle oo ka hor hadlayay xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in dano gaar ah laga lahaa warbixinta gudiga maaliyadda isla markaana lagu carqaladaynayay hanaanka maamul maliyadeed ee dalka.
“Dad badan ayaa dhibaato igu haaya oo ileh aaway mashruuceygii, War mashruuc miyaa ushaqeeysaa mise Dalka, Adeer waa dhamaatay wax waliba oo shalay jiray, Wixii halkaan soo gala sideeda loo bixinayaa”ayuu yiri wasiir Beyle.
Hase ahaate wasiir Beyle oo ka jawaabayay halkii ay ku baxday lacagtii 20-ka Malyan ahayd ee gudiga Maaliyadu sheegeen in aan lagu shubin akoonka dowlada ayaa tilmaamay in lacagtaasi la geeyay dalka Turkiga laguna shubay akoon Bangiyadeed ka furan dalkaasi.
Kulanka golaha shacabka oo xiligan ka soconaya xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay Isqabqabsi siyaasadeed iyo eedeyn ay isu jeedinayaan xildhibaanada golaa shacabka oo qeybtood ay yihiin wasiiro ka tirsan xukuumada ,waxaana kulanka qeyb ka ah xildhibaano aad u dhaliilsan dowlada Federaalka ee dalka.
Horseed Media 2018