golis

Alshabaab oo sheegatay in weerarkii Gaalkacyo ay ku dileen Cabdiweli Cilmi

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro toos ah oo Alshabaab ay saaka ku qaadeen xarun uu magaalada Gaalkacyo ka daganaa nin lagu magacaabo Cabdiweli Cilmi Yare  oo sheegan jiray in uu ahaa wadaad diimeed.

Weerar ay saaka Alshabaab ku qaadeen xarun wax lagu barto oo uu ninkan ku lahaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayay ku xaqiijiyeen geerida Cabdiweli iyagoona sheegay in ay ka takhaluseen mid kamid ah kuwa diinta ka been sheega sida ay sheegeen.

Sidoo kale Alshabaab ayaa waxa ay sheegteen in ay dileen ku dhawaad 10-ruux kuwaasoo isugu jiray ilaalada Cabdiweli Cilmi iyo dad ku sugnaa xarunta wadaadkan uu ku lahaa koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarka Alshabaab ay ku qaadeen xarunta iyagoona tilmaamay in qabteen mid kamid Alshabaabkii weerarka ku qaaday xarunta Cabdweli Cilmi yare.

Horseed Media 2018