golis

Waxgarad ku baaqay in loo gurmado dadkii ay saameeyeen dagaaladii Dhumay-Dhageyso

Sakariye Mohamed Isticmaar oo ka mid ah waxgaradka puntland ee gaaray goobaha lagu dagaalamay isaga iyo wafti isugu jiray Nabadoonno, Culimo,Salaadiin,Iyo Waxgarad kale oo uu horkacayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa HM U sheegay in uu halkaas kusoo arkay Xaalad dhanka Bina,aadanimada ah taas oo ay ugu horayso Baahida dhabta ah ee ay qabaan dadka ayagu ka cararay guryohooda xiligaana loo baahan yahay in lacaawiyo.

Inkasta oo gurmad aan dabooli Karin haadida dhabta ah ee deegaankaas ka jirta dadkaas la gaarsiiyay haddana ma aha mid dabooshay baahiyaha ay qabaan.

Sakariye waxaa uu dhanka kale ka hadlay Halka ay marayso Nabadaynta ay wadeen Dhammaan dhinacyadii u istaagay Joojinta Dagaaladii Dhumayga waxaana uu sheegay in lagu jiro wajigii 1aad ee Nabadaynta xiligaana ay socoto.

Hoos ka dhageyso wareysiga Sakariye Maxamed Isticmaar

Horseed Media 2018