golis

Ceeldaahir:Dad ku sumoobay hilib iyo caano-Dhageyso

Wararka aan ka helayo deegaanka Ceeldaahir ee hoostagga degmada Carmo ayaa sheegaya in cisbitaal ku yaala deegaankaasi la dhigay dad ku sumoobay hilib iyo caano ay adeegsadeen.

Inta badan dadka sumoobay ayaa la sheegay in ay cabeen caano ay ku jiraan caagado waxaana badi dadkan ay ku nolaayeen deegaanka Ceeldaahir ee hoostaga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dadkani oo isugu jira haween iyo caruur ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaala deegaanka Ceeldaahir sida uu HM u sheegay Cabdiraxmaan Axmed Muuse Saylici oo kamid dhakhaatiirta ka howlgasha cibtiaalkaaasi.

Waxa uu sheegay in haatan ay la tacaalayaan xaalada 54-ruux kuwaasoo isugu jira dad ku sumoobay hilib iyo kuwo kale oo ku sumoobay caano ay cabeen waxaana Dr Saylici sheegay in lagu guuleystay badbaadintooda.

Mar aan wax ka weydiinah dadkan iyo halka ay ku sumoobeen ayuu Dr.Saylici inoo sheegay in dadkan ay mashaqadu ku qabsatay gudaha deegaanka Ceeldaahir ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay in haatan ay jiraan in xiligan Cisbitaalka ay jiifaan 8ruux halka intii kale ay kabaxeen kadib markii jirkooda suntan laga saaray.

Waa markii ugu horeysay oo dad ay ku sumoobaan hilib iyo caano ay adeegsadeen deegaanka Ceeldaahir ee hoostagga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Hadaba hoos ka dhageyso wareysiga Dr.Saylici iyo Cumar Lakiman 

Horseed Media 2018