golis

NISA oo shaacisay in howlgal ay kusoo qabatay hub iyo walxo qarxa

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal kusoo qabatay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Howlgalka oo Hay’addu ay sheegtay in uu guul kusoo dhamaaday ayaa ciidamada amaanka ay ka fuliyeen deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo xubnood oo ka tirsan xoogagga Alshabaab kuwaas oo ku sugnaa xarun ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanada uu ka dhacay howlgalka.

Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday howlgalo ka dhan aah Alshabaab iyadoona howlgaladan ay kusoo qabanaysay dagaalamayaal ka tirsan ururka Alshabaab walow aan saxaafada loo soo bandhigin.

Horseed Media 2018