golis

Maamulka Koonfur galbeed oo digniino kasoo saaray rabshadaha ka socda Baydhabo

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ah Ku simaha Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa ku baaqay in la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo kadib shir jiraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa .

Sheekhuna ayaa Shacabka Magaalada Baydhabo ku dhaliilay Banaanbaxyadda rabshadaha wata oo ay ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad kasoo horjeeda nabada magaalada Baydhabo.


Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ku simaha madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ilaaliyo amniga guud ee maamulka Koonfur galbeed gaar ahaan Baydhabo oo ay xiligan ka socdaan rabshado.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad tiro yar oo khal khal ku haya amaanka guud ee magaalada Baydhabo hase ahaate ay badan yihiin kuwa jecel nabada magaaladaasi Baydhabo iyadoona uu sheegay in talaabo adag laga qaadi doono dadka rabshadaha kawada gudaha Baydhabo.

Horseed Media 2018