golis

Cabdicasiis Laftagareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur galbeed

Musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed oo kamid ahaa musharixiinta xilka madaxweyne ee Koonfur galbeed ayaa ku guuleystay doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo.

Tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa musharax Cabdicasiis Laftagareen uu helay codad dhan 101 cod sida ay shaaciyeen gudiga doorashada.

Doorashadan oo qabsoomideeda ay muran haraysay ayaa noqonaysii tii ugu horeysay oo ay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ku doortaan madaxweyne cusub.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee soo mara maamulka Koonfur galbeed tan iyo markii la aas aasay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Horseed Media 2018