golis

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo goordhaw bilaabanaysa-Dhageyso

Codeynta doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa goordhaw lagu wadaa in ay ka bilaabato Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Doorashadan oo ah mid siweyn loo dhur sugayay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa sida qorshuhu yahay maanta ay xildhibaanada Koonfur galbeed dooran doonaan madaxweynihii badali lahaa Shariif Xasan Sh Aadan oo dhawaan iska casilay xilka madaxweynaha Koonfur galbeed.

Hoolka ay saaka ka dhacayso doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa ku sugan badi xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Kg, wufuud ka socota beesha caalamka iyo xildhibaano ka socda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadaba diyaargarowga doorashada iyo amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaan waxaan ka wareysanayay Wariye Mascuud oo kamid wariyayaasha magaalada Baydhabo

Hoos ka dhageyso Wareysiga uu wariye Mascuud siiyay HM

Horseed Media 2018