golis

Wasiirkii arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Puntland oo iscasilay-Dhageyso

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde ayaa goordhawayd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo kadib shir jiraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe.

Wasiir Timacade ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay inay tahay sababo isaga u gaar ah hase ahaate xogo ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in wasiir Tima cade uu qorsheynayo in uu ka qeybgalo doorashada Puntland 2019.

Waxaa jiray warar horey ay u heleen qeybaha warbaahinta kaas oo sheegaya in wasiir Cabdulaahi Cali Xirsi Timocadde uu si aad ah u danaynayo in uu tartamo kursiga madaxweyne kuxigeenka Puntland doorashada 8Janaayo 2019.

Madaxweynaha Puntland ayaa sanadkii 2017 u magacabaay wasiirka arimaha Gudaha Cabdulaahi Cali Xirsi Timocadde,waxaana wasiir Timo cadde lagu tilmaamaa in uu kamid yahay wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland.

Horseed Media 2018