golis

Boosaaso: Bulshada kasoo jeeda Koonfur galbeed oo taageero u muujiyay Laftagareen-Sawiro

Munaasabad lagu taageerayey Magaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed laftagareen isla markaana ay kasoo qeyb-galeen duubabka dhaqanka beelaha daga deegaanada Koonfur galbeed ganacsato dhalanyaro iyo haween ayaa habeenimadii xaley lagu qabtey magaalada Boosaaso.

waxagaradka dhalinyarada, ganacsatada ,haweenka iyo qeybihii kala duwanaaa ee kasoo qeyb galay munaasabada ayaa hadalo isugu jira soodhaweyn iyo dardaaran u jeediyay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iaygoona alle uga baryay in uu la garab galo xilka culus ee loo igmaday.

Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa ay ugu baaqeen in uu ka shaqeeyo samatabixinta dadka reer Koonfur galbeed iyadoona ay sheegeen in Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu yahay masuul horey loosoo tijaabiyay oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada dhexe ee dalka isla markaana og duruufaha ay ku sugan yihiin dadka reer Koonfur galbeed.

Dhankiisa madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay CabdiCasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa intii ay socotay munaasabadda khadka taleefanka uga qeyb galay isagoona mahadcelin balaaran u jeediyay shacabkii soo dhaweeyay ee muujiyay taageerada ay u hayaan madaxdooda.

19-kii bishan ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo haatan noqday madaxweynihii labaad ee uu yeesho maamulka Koonfur galbeed tan iyo intii la aas aasay maamulkan.

Horseed Media 2018