golis

Xaalad daganaanshiyo oo laga dareemayo deegaanka Kaxandhaale

Xaalad daganaanshiyo ayaa laga dareemayaa deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galguduud.

Deegaankan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu dagaal qaraar ku dhex marayay labo maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka Galguduud iyadoona dad ka badan 40-meeyo ay ku dhinteen dagaalka dhex maray labadan maleeshiyo beeleed.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan la helayo ayaa sheegaya in deegaanka gaar ahaan goobihii lagu dagaalamay ay joogaan ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya kuwaas oo maalintii shalay gaaray deegaanka Kaxandhaale.

Dhinaca kalena wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xiligan ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo ay u tageen in ay waan waan lagu qaboojinayo dagaalka beelaha walaalaha ku dhexmaray Kaxandhaale.

Horseed Media 2018