golis

Laftagareen oo magacaabay gudi ka shaqeeya xafladda caleemasaarkiisa iyo gudi baara shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay Guddiga Qabanqabadda Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha maamulka KG.

Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu wadaa inay dhacdo 16-ka bishan Janaayo 2019.

Gudiga uu magacaabay madaxweyne Laftagareen isla markaana uu u xilsaaray ka shaqeynta Xafladiisa Caleema-saarka ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kalena Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale magacaabay gudi xaqiiqo raadin ah oo baaritaano ku sameeya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo oo ay dad rayid ah ku dhinteen.