golis

Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay saraakiisha iyo laamaha amaanka Koonfur galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka dhisan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Hay’adaha amniga kala hadlay dardar gelinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed,xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab,wxuuna sheegay madaxweynaha iney isla meel dhigeen sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada deegaanka iyo la dagaalanka Shabaab.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabweynaha deegaanada Koonfur Galbeed iney si hufan ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga si looga adkaado ayuu yiri kooxaha Alshabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo dhowaan howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Baay ayaa halkaasi ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Faafin Horseed Media