golis

Laaluush yaan la qaadan waxay noqotay: “ Shifo lagala Quusay”.

oped

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.


Intii aysan dhicin doorashadii ka dhacday Buntilaan 8-dii bishaan, waxaa aad looga digay in la qaato laaluushka. Culimo iyo waxgarad kale ayaa arrintaas xooga saaray. Culimadu waxay qabteen kulan cilmiyeed looga hadlayay doorashada guud ahaan iyo laaluushka. Hase yeeshee, waxaan dheg jalaq loo siin wacyi-gelintii la sameeyey, madaada ay dhacday in la qaatay laaluushkii ugu badnaa ee abid soo maray doorashada madaxtinimada ee Buntilaan. Arrintaan ayaa maanta qaar ka mid ah masaajidyada waaweyn ee magaalooyinka Puntland gaar ahaan Garoowe lagu soo qaatay khudbadii Jimcaha, si looga hor tago khatarta ay leedahay.

Sida ay dad xog ogaal ahi sheegayaan, shantii musharax ee bixisay la’agta ugu badnayd ayaa ku bixiyey 30 ilaa 70 kun oo doolar halkii cod. Arrinta aadka  loo hadal hayo waxay tahay in la wada maray musharixiintii oo dhan-xarig mar-, taasoo horey u yarayd in ay dhacdo ama ka dhici jiryay tiro aad u kooban. Xilligii doorashadii Xasan Shiikh ee Septeember 2012-kii, ayaa waxaa dhacday in dhowr musharax oo u tartamay xilka madaxweynaha dawlada Soomaaliya ay heleen wareegii koowaad, tiro codod le’eg tiradii xildhibaanada reerkooda oo ay horey ula soo balameen.tusaale, Farmaajo wuxuu helay, 14 cod(tiro le’eg tirada xildhibaanada beesha Sade), Axmed Ismaaciil Samatar waxa  uu helay 8 cod(tiro u aad ugu dhow tirada xildhibaanada beesha Samaroon 9 xildhibaan), Yuusuf Garaad waxaa uu helay 8 cod(tiro u dhow tirada xildhibaanada beesha Habargidir 12 xildhibaan) iyo Xaaji Yaasiin oo helay 2 cod(tiro le’eg tirada xildhibaanada beesha Cismaan Maxamuud).Taasi waxay sahashay in xildhibaanadii aan codka bixin ay ku dhex qarsoomaan tirada codka la helay. Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, sidee ku qarsooni karaan afartanka qof oo wax ka qaatay musharax aan cod helin ama cod keliya helay.

Waxaa dhacday wiil arday oo dhiganayey dugsi(school), weliba  fasal ka koobnaa gabdho iyo wiilal. Maamulihii dugsiga ayaa waxa uu wiilkii  ku eedeeyey inuu inta badan fiirfiiriyo oo ku mashquulsan yahay dhinaca gabdhuhu fasalka ka fadhiyaan. Markaas ayaa loo yeerey aabihii dhalay wiilka, ka dibna waxaa loo sheegay eedii loo soo jeediyay wiilkiisa.  Sidii aabihii looga sugayey inuu canaato wiilkiisa, ayuu mar qura ku jawaabay:” …Ma anaaba wax kale u soo diray, haddusan gabdhaha fiirfiirinay muxuu meesha u joogaa….” Amakaag iyo af-gacan saar ayay ku noqotay maamulihii. Haddaba, laaluush qaadashdu fajac iyo la yaab bay ku noqotay bulshada.

Inta badan, waxaa  eeda dusha looga tuurayey dadkii qaatay lacagta oo keliya, laakiin wax badan layskama weydiin cida bixisay laaluushka. Beri hore ayaa wargeys ka soo baxa dalka Hindiya isaga oo dhaliilaya nadaafada dadka ka shaqeeya mukhaayadaha, waxa uu soo sawiray sawir-gacmeed muujinaya, kabalyeeri wada shan koob oo biyo ah oo shantiisa farood kula jira koobabkii uu biyaha ku waday. Mid ka mid ah dadkii biyaha loo keenay ayaa ku yiri kabalyeerigii:” Maxaad biyaha faraha u soo gelisay” Markaas ayuu kabalyeerigii ku war celiyey: “…War iga aamus!, war anigu waan roonahay oo biyaha far keliya ayaan geliyey, laakiin ninkii biyaha ii soo dhiibay baa iga daran oo berkeduu ku dhex jiray. Haatan,  yaa biyaha faraha geliyey?, yaase berkada ku dhex jira?

Arrinta ku saabsan laaluushka ayaa noqotay mid aad ugu dhex milantay dhaqanka Soomaalida, weliba xilligan oo aad moodo, inay  tahay xeelada keliya ee wax loo tabcado, iyada oo loo marayo tabo badan oo ay ugu horeyso hanashada mansabka siyaasadeed. Xilli hore oo hanti badan jiran, ayaa Sayid Maxamed wuxuu yiri: “ Musuqmaasuq Soomaali waa meheradeediiye” Xilligaan muxuu oran lahaa Sayidku?. Sidoo kale horey ayaa Wiilwaal ugu tilmamay hunguriga cadka raga walaaleeya, taasoo dulucdeedu tahay in hanti laysku kasbado- af wax cunay xishooh-.

Musuqa iyo laaluushka ayaa ah arrin garab marsan ma’baadiida islaamiga ah oo   aadna uga digtay. Sidoo kale,  dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed wuxuu ku salaysan yahay ceeb ka sariigasho, weli tan la xiirirta hunguriga, sida ay tibaaxayso maahmaahda Soomaaliyeed: “ Nin soori kaa qaaday iyo nin seefi kaa qaaday, keeba roon, nin seefi kaa qaaday baa roon, saa waaba laga sabraaye/samraaye”

Haddaba waxaa muuqata in waxa badan lagu qaadan waayey sidii  laysaga digay laaluushka oo arrintu noqotay shifo lagala quusay. Si kastaba ha noqotee waxaa in xal loo helaa arrintaas  caadada ka noqotay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalia. Sida la wada ogsoon yahay, qofka waxaa haga qayimka iyo ciqaab uu ka baqayo.  Maanta, waxaa muuqata in ka sariigashada musuqu ay aad u yar tahay, laakiin waa arrin dhacda oo bulshada dhexdeeda weli laga heli karo sida hadda ka dhacday doorshadii madaxtinimada ee Buntilaan oo dad aad u tiro yari ay ka sariiigteen qaadashada laaluushka. Tankale inuu jiro sharci iyo ciqaab cad oo tirtiri karta dhaqankan guracan. Tani waa arrinta maamuulka laga dhowrayo.

Ugu dambayntii, musuqa dhaca xilliga doorasha ayaa lagu xakamayn  karaa nidaamka xisbiyada badan oo  meesha ka saaraya dawrkii ay tiro koobani  waxa ku dooran lahayd ama doorasho dadku xumaanta ka sariigtan.

Cabdiraxmaan Sh. Cali

abdirahman.sh.ali@gmail.com