golis

Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Afmadow

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Sheekh Cabdirashiid Aadan Ismaaciil loogu magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha Maxkamadda degmada Afmadow.

Maalmihii ugu dambeeyay Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa safar howleed waxa uu ku joogay degmada Afmadow iyadoona degmadaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Horseed Media 2019