
Guddiga gacanta ku haya dhismaha garoonka kubada cagta Mire Awaare stadium ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta soo bandhigay cadadka lacagihii ay ururiyeen tan iyo markii la magacaabay gudiga.
Guddiga ayaa sheegay in ay xiligan gacanta ku hayaan lacag dhan $183,675.87 Dollar, taasoo ah wajiga koowaad ee ugu horeeya laguna dhisayo garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.
Waxa ay sheegeen in lacagahan ay ku deeqeen masuuliyiin ,ganacsato iyo dad kaloo badan oo ay qeyb ka yihiin musharixiin u taagnaa qabashada xilka madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday 8 January.
Gudiga ayaa sidoo kale codsaday in laga qeyb qaato dhismaha garoonka kubadda cagta Mire Awaare stadium ee magaalada caasimada ah ee Garoowe si garoonka uu noqdo mid la jaanqaada garoomada kale ee dalka.

Horseed Media.net