golis

Weerar Bambaano oo caawa lagu qaaday hoyga xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka K/galbeed

Sida ay wararku sheegayaan Kooxo hubeysan ayaa caawa weerar banbaano waxa ay ku qaadeen hoy uu magaalada Baydhabo ka dagan yahay xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Rag ku hubeysan bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu soo waramayaa in dhowr Bambaano ay ku tuureen hoyga xildhibaan Carfo Ibraahim iyadoona lasoo sheegayo in uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkan bambaano.

Si faahfaahsan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Bambaano ha yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in Ilaa afar ruux oo isugu jira ilaalada xildhibaanka iyo dad rayid ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarka Bambaano ee lagu qaaday hoyga xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka koonfur galbeed.

Xildhibaan Carfo

Warar ayaa sheegaya in xildhibaan Carfo ibraahim aadan uu xiliga weerarka uu dhacay ka maqnaa hoygiisa iyadoona ay ku sugnaayeen oo kaliya qaar kamid ah ilaalada yo qoyskiisa .

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay weerarkan Bambaano ee lagu qaaday xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya hase ahaate xildhibaanka la weeraray ayaa kamid ah xildhibaanada ugu saameynta badan Baarlamaanka KG waxaana uu horey usoo noqday gudoomiyihii gudiga doorashada ee maamulka Koonfur galbeed xiligii Shariid Xasan Sheekh Aadan

Horseed Media 2019