
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in wax laga bedali doono xiriirkii diblumaasi oo ay la lahaayeen Maraykanka, kadib markii la shaaciyey Filim uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Mike Pence oo lagu taageerayo mudaharaadyada ay wadaan mucaaridka Venezuela ee looga soo horjeedo xukuumada Maduro.
Nicolas Maduro oo ku guuleystay doorashadii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaasi oo bishan markale xilka loo dhaariyey ayaa horey u sheegay in Maraykanka uu yahay kan soo abaabulay xiisada ka taagan dalkaasi ee Dhaqaale iyo Siyaasadeed.
Dalka Venezuela oo ay cunaqabateyn saareen Maraykanka ayaa waxaa xiligan ka jira sicir-bararka ugu sareeya caalamka, waxaana xukuumadaasi si aan kala joogsi lahayn ugu socda mudaharaadyo ay qabanayaan mucaaridka oo sheegay inaysan aqoonsaneyn natiijadii doorashadii ugu danbeysay oo ay qaadaceen inay ka qeyb qaataan qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka.
Fariinta Muuqaalka ah ee ka timid Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Pence ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu garab taagan yahay Xildhibaanada Mucaaridka ee gadoodka ka wada Baarlamaanka dalkaasi iyo waliba shacabka Mudaharaadaya, waxaana lagu soo beegay maalin kahor xili la filayo inay banaanbaxyo waaweyn ka dhacaan dalka Venezuela.
“…Nicolas Maduro waa Kali-Taliye aan xaq u lahayn awooda uu heysto, wuxuuna xabsiga dhigay cid walba oo mucaarid ku ahayd….” ayaa kamid ahaa hadalada Mike Pence oo sheegay inuu ku hadlayo codka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
As the good people of Venezuela make your voices heard tomorrow, on behalf of the American people, we say: estamos con ustedes. We are with you. We stand with you, and we will stay with you until Democracy is restored and you reclaim your birthright of Libertad. pic.twitter.com/ThzIAqBoRn
— Vice President Mike Pence (@VP) January 22, 2019
Maanta oo Arbaca ah ayey mucaaridka Venezuela doonayaan inay qabtaan banaanbaxyo looga soo horjeedo Maduro.
Madaxweyne Maduro ayaa dhankiisa sheegay in hadalka kasoo yeeray Maraykanka uu yahay mid si toos ah loogu baaqayo in inqilaab ka dhaco dalka Venezuela isagoona sheegay in ay iska difaaci doonaan duulaanka Maraykanka.
Horseed Media