golis

Japan oo xirtay Isra’iiliyiin sitay Dhagaxaan badan oo Dahab ah

Booliiska dalka Japan ayaa xabsiga dhigay labo nin oo u dhashay Israel kuwaasi oo si qarsoodi ah dalkooda kusoo galiyey dhagaxaan badan oo dahab ah.

Labada nin ayaa la sheegay in tan iyo sanadkii 2017 ay si qarsoodi ah usoo gelinayeen dalka Japan dahab gaaraya [4 ton] iyagoo aan wax canshuur ah bixin, ganacsatadan ayaa la sheegay in ugu danbeyntii gacanta lagu dhigay iyagoo sita dahab lagu qiyaasay 15 milyan oo dollar.

Dahabka ayaa intiisa badan lasoo mariyey dalka China iyadoona laga soo dhigay qalabka gaadiidka lagu dayactiro, hase yeeshee baaritaan dheer kadib ay booliiska sheegeen inay soo qabteen ganacsatadan reer Israel oo heystay degenaanshaha dalka Japan.

Horseed Media