golis

Talyaaniga oo xiray Xeradii 2aad ee Qaxootiga

Dowlada Italy ayaa xirtay xaruntii labaad ee ugu weyn dalkaasi ee lagu hayey dadka qaxootiga ah kadib markii ay xukuumada cusub ka jartay miisaaniyadii loogu talogalay dadka qaxootiga ah.

Xeradan oo ku taal deegaanka [Castelnuovo di Porto] ee u dhaw magaalada caasimada ah ee Rome ayey ku jireen boqolaal qaxooti ah oo qaarkood aan heysan degenaansho, kuwaasi oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee xaquuqul insaanka ayaa horey uga digay ololaha ay wado dowlada cusub ee Talyaaniga ee lagu faquuqayo dadka qaxootiga kadib markii ansixiyeen sharci cusub oo meesha ka saaraya in badan oo kamid ah xaquuqda horey loo siinjiray Qaxootiga ku sugan gudaha dalkaasi.

Waxaa dhawaan lagu wadaa in dowlada ay sidoo kale xirto xerada ugu weyn ee lagu hayo qaxootiga dalkaasi oo ku taal jasiirada Sicily.

Horseed Media