
Guddoomiyaha Baarlamaanka Venezuela ayaa Arbacadii shalay sheegay inuu la wareegay xilka Madaxweynaha, isla markaana uu soo qaban-qaabin doono doorasho cusub.
Go’aanka Guddoomiyaha Juan Guaidó ayaa waxaa taageeray Maraykanka, Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dalalka Latinka oo u aqoonsaday inuu yahay Madaxweyne kumeel gaar ah.
Banaanbaxyadii Arbacadii shalay ka dhacay caasimada Venezuela ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof. Dowlada Maraykanka ayaa si toos ah ugu dhiiri gelisay shacabka inay sii wadaan mudaharaadka looga soo horjeedo Nicolas Maduro.
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa isaguna dhankiisa xiriirka u jaray dowlada Maraykanka oo uu ku eedeeyey inay hogaaminayso inqilaabka lala damacsan yahay xukuumadiisa.
Maduro ayaa weli taageero buuxda ka heysta ciidamada Dowlada Venezuela oo iyagu qaadacay inay taageeraan Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaidó oo ah 35 sano jir ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah.
Maxkamadaha dalkaasi Venezuela oo sidoo kale taageersan Maduro ayaa horey awoodii uga xayuubiyey Baarlamaanka oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiyada Mucaaridka.
Horseed Media