
Sagaalka Qoyska ee Boqortooyada Malesiya ayaa Khamiistii shalay doortay Boqorka cusub oo loo magacaabay Suldan Abdullah Suldan Axmed Shah, magacaabistan ayaa timid kadib markii Boqorkii xilka hayey Mohamed uu si lama filaan ah xilka uga degay horaantii bishan.
Dalka Malesiya oo sharciyan ah weli Boqortooyo ayey hadana awooda Boqorka ay tahay mid ku kooban Illaalinta Shareecada Islamka iyo Ansixinta Raysalwasaaraha xisbiyada dalkaasi magacaabaan.

Xilka Boqorka ayaa ah meerto oo ay marba mid qabtaan sagaalka qoyska ee boqortooyadaasi. Qoys walba ayaa sidoo kale leh Suldan u gaar ah. Boqorka xilka loo dhiibo ayaa xilkaasi haya muddo 5 sano ah.

Boqorka xilka ka degeya ee Maxamed ayaa kursiga soo hayey labo sano oo kaliya isla markaana sheegay si lama filaan ah inuu xilka uga degay iyadoo aan weli faah faahin laga bixin sababta, waxayna noqotay markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi oo uu boqor si iskiis ah xilka uga dego isagoo aan wakhtigiisa dhameysan.
Horseed Media