golis

Abaabul ciidan oo laga dareemayo gobolada Jubooyinka iyo dagaal dhacay

Ciidamo isugu jira kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa dhaq dhaqaaq ciidan maanta kawada deegaano kamid ah gobolada Jubadooyinka.

Ciidamadan oo maalmihi lasoo dhaafay loo diyaarinayay in ay dagaal ku qaadaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Alshabaab ayaa haatan lasoo sheegayaa in ay u ruqaansadeen deegaano galbeedka dhaca magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka Maamulka Jubaland.

Wararka qaar aan helayo ayaa sheegaya in ciidankan oo isgarabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Haadweyne, Laheley, Cabdalle Biroole,Cabdi Dhoore oo dhamaantood kamid ah gobolka Jubada Hoose.

Abaabulkan dagaal ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa imaanaya xili guluf colaaadeed oo ka dhan ah Alshabaab ay horey ugu dhawaaqeen madaxda ugu sareysa dalka.

Horseed Media.net