golis

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay gole wasiiro cusub

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta magacaabay qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee maamulkiisa.

Golahan wasiirada oo uu magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka kooban 10 wasiiro iyadoona ay yihiin wasiiro tiro yar hase yeeshee la filayo in uu soo dhamaystiro maalmaha soo socda.

Wasiiradan uu haatan magacaabay madaxweyne Lafta gareen ayaanay ku jirin wax haween ah.

Horseed Media 2019