golis

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ugu tagay hoyga uu magaalada Beledweyne ka dagan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Booqasho kadib Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo intiisa badan diiradda lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan maamulka Hirshabeelle

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in Ugaaska uu la kulamay ay sidoo kale ka wada hadleen arimo la xiriira dhismihii maamulka Hirshabeelle oo uu xiligaas hormuud u ahaa Xasan Sheekh maadama muran badan uu hareeyay qaabka loo wajahay aas aaska maamulkan Hirshabeelle.

Ugaaskan uu maanta la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey lagu xasuustaa in uu kamid ahaa madax dhaqameedkii sida weyn uga soo horjeeday dhismaha iyo habka loo maray aas aaska maamul goboleedka Hirshabeelle oo dhismihiisa uu door weyn ka qaatay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.