Garowe (HM):- Machadka Cilmi barista & darasaadka Siyasadda Soomaaliyeed ee HAYAAN ayaa kulan kusabsan Isla xisabtanka ,Hufnaanta iyo ka hortaga musuqmasuqa ku qabtay Hotelka CITY VIEW Garowe.
Kulanka waxaa loo qabtay Xildhibanada Golaha degaanka Caasimadda Puntland Garowe,Dhalinyaro iyo qaybaha kale ee Bulshada,waxaana looga dooday doorka bulshada ka qadan karto Isla xisabtanka ,Hufnaanta iyo ka hortaga musuqmasuqa.
Dr,Cabdiraxmaan Sulub,Siciid Diraac iyo Maxamed Cabdi Ciise oo fududaynayey kulanka ayaa bulshada sharaxaad ka siiyey Musuqmaasuqa ,sida looga hor tagi karo iyo doorka ay ka qadan karto bulshada rayidka ah ee Puntland.
Dadweynaha kazoo qaybgalay kulanka ayaa soo jeediyey talooyin iyo fikrado ku adan sida looga bixi karo Musuq maasuqa ,sida loo yarayn karo ,waxaa kaloo ay hoga tusaleeyeen ahmiyada ay leedahay in laga guuro habk qabaliga ku salaysan ee bulshadu kusoo xulanayso cida matalaysa,iyadoo loo hayaamayo hanaanka xisbiyada badan.
Aqoonyahanada iyo waxgaradka xusay in Musuqu aanu ahayn lacag la xaday oo kaliya ee ay tahay dayaca masuuliyada qofku hayey,baalmarista nidaamka howl fulinta adeega dadweynaha ee lagu tagri falayo iyo in laga been sheego wax kasta oo gacanta uu hayey masuulku ee la xiriirta Mashariicda horu marineed.





Horseed Media.net