golis

Taliye Muxiyadiin”Waxaan haynaa Kooxihii ka dambeeyay dilka ganacsade Cukaash Boosaaso-DAAWO

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Boosaaso ayaa faahfaahiyay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada amaanku ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan afar nin oo uu xusay taliyaha in ay ka dambeeyeen dilkii labo habeen ka hor magaalada Boosaaso loogu geystay Salaad Cabdi Cukaash oo kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso.

Halkan waxaan kusoo bandhigaynaa raggii dilay marxuumkii ganacsadaha ahaa qorigii lagu dilayna waan haynaa ,maxkamadaa kala saari doonta hada waad maqleyseen sadex nin baa nin waxa uu leeyahay hebel baa dilay iyo hebel baa dilay laakiin nimankii kiiska galay iyo qalabka lagu galay waakuwan aan hayno

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro dhac iyo furasho Moobeel u geysan jiray dadka shacabka ah waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in saldhigyada boosaaso ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo loo qabtay falal la xiriira furasho moobeel.

Waxaan rajeynaynaa dad badan oo moobeelada Furtana waa xiran yihiin.qaarna waxaan ku haynaa halkan iyaga iyo moobeelo ay kasoo furteen dadka shacabka ah

Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa shirkiisa jiraa’id sidoo kale ku sheegay in talaabo sharci ah ay laga qaadayo dadka caadeystay tahriibinta dhalinyarada iyo kuwo la halmaala, wuxuuna sheegay in haatan ay hayaan gaadiid loo adeegsan jiray daabulista dadka doonaya in ay tahriibaan.

Baabuurta hada aanu hayno waa todobo Bas waana la xukumaaya dadkii lahaa horeyna waan u sheegnay Tahriibta waa mamnuc dadka ka shaqeeya, dadka wada iyo dadka gaadiidka leh waxaa lagu xukumayaa sharcigii tahribta qof walbow sharcigaa waxaad ku heshid baa nasiibkaaga ah

Hadalka taliyaha ciidanka Booliiska Puntland ayaa imaanaya iyadoo howlgalo lagu sugayo amaanka ay si xawli ah uga socdaan gudaha magaalada Boosaaso isla markaana howlgaladaasi ilaa iyo hada loo qabtay boqolaal dhalinyaro ah.

Taliye Muxiyadiin"Waxaan haynaa Kooxihii ka dambeeyay dilalkii ganacsade Salaad iyo kuwo dadka dhac u geysan jiray

Taliye Muxiyadiin"Waxaan haynaa Kooxihii ka dambeeyay dilkii ganacsade Salaad iyo kuwo dadka dhac u geysan jiray sharcigaana la marinayaa dhamaantood

Posted by Horseed Media on Wednesday, February 13, 2019

HORSEED MEDIA