golis

Madaxeyne Deni oo ka Jawaabay Sababta uusan u soo dhisin Xukuumad Kooban [DAAWO]

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo khudbad ka jeediyay kullankii barlamaanka ee lagu ansixiyay gollaha xukuumadiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed ayaa ka hadlay sababta uusan u fulin ballanqaadkiisii ahaa inuu soo dhiso xukuumada kooban.

Wuxuu sheegay inay ku adkaatay inuu iswaafajiyo ballanqaadkisii xiliga doorashada iyo baahida beelaha Puntland inay ka dhex muuqdaan gollaha wasiirada, waxaa kaloo uu sheegay in kabadan 300 qof ay soo dalbadeen inay ka mid noqdaan gollaha xukuumadda.

“Marxaladii ololaha doorashada oo labo sanno ahayd waxaa iiga cuslayd bishii aan soo xulayay gollaha xukuumadda, waxay ahayd arrin aad u adag inaan iswaafajiyo kalmadaydii doorashada ee ahayd tayaynta oo ahayd inaan soo xulo xukuumada kooban iyo baahida loo qabo in gollaha wasiirada laga muuqdo” ayuu yiri madaxweyne Deni

wuxuu kaloo tilmaamay inay ku adkaatay inuu isla helo wasiirka, wasiir kux-igeenka iyo wasiiru dowlaha ku haboon wasaarada uu khibrad u leeyahay. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu caqabad kala kulmay siyaasiyiinta iyo beelaha inuu xukuumadiisa ku soo daro haween ka badan kuwo hadda ku jira gollaha.

Gollaha barlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad ku ansixiyay gollaha xukuumada. 63 xildhibaan oo soo xaadiray kalafadhiga ayaa u codeeyay oo kalsoonida siiyay xukuumada uu soo dhisay.

HORSEEDMEDIA