golis

Burburka Dhaqaale ee DUBAI iyo Mashaariicdii Berbera & Bosaso!

Waxaa bilihii lasoo dhaafay hoos u dhac weyn ku imaanayey Suuqa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Mandaqada Dubai oo uu hada ka jiro dhaqaale burbur baaxadleh oo saameyn ku yeeshay mashaariic waaweyn oo horey loo qorsheeyey.

Waxaa si weyn hoos ugu dhacay suuqa Dubai, hoos u dhacan ayaa gaarayey in dhaw 30% marka loo eego bilihii hore ee sanadkii tagay 2018, wuxuuna noqonayaa hoos u dhacan ku yimid suuqa Dubai kii ugu weynaa ee in mudda ah soo wajaha maamulkaasi, waxaana xusid mudan in suuqa Dubai uu weli hoos usii dhacayo.

Dhaqaalaha Dubai ayaa ah mid intiisa badan ku dhisan; Ganacsiga shirkadaha canshuur dhaafka loo sameeyey, Transport iyo Dalxiiska, dhamaan illahan dhaqaalaha ayaa waxa ku yimid hoos u dhac weyn.

Markii ugu horeysay taariikhda ayaa la sheegay inay ka bateen dadka isaga cararaya magaalada Dubai kuwa halkaasi usoo shaqo tagaya, arrintaasi oo la xariirta burburka dhaqaalee ee sii socda.

90% dadka ku nool Dubai ayaa ah ajaanib usoo shaqo tagay kuwaasi oo hada in badan oo kamid ah isaga guuraya magaaladaasi, waxayna taasi si toos ah u saameysay shirkadaha guryaha Kireeya, hotelada, dukaanada iyo Iskuulada.

Shirkadaha dhismaha ee xaruntooda tahay Dubai ee dhisay inta badan daaraha dhaadheer ayaa sanadkii tagay khasaaraya 40%. Kadib markii ay waayeen cid ka kireysata ama ka gadata dabaqyo badan oo ay dhiseen.

Hoos u dhaca Muxuu salka ku hayaa?

Arrimaha saameeyey dhaqaalaha Dubai waa kuwo kala gedisan oo ay kamid yihiin xiisada xiligan ka dhex taagan Dalalka Khaliijka iyo xayiraadii la saaray dalka Qatar.

Qatar iyo IRAN
Xiriirka Ganacsi ee Qatar iyo Dubai ayaa ahaa mid xoogan kahor intaan lasoo rogin xayiraadii Sacuudiga iyo Imaaraatiga saareen Doha.

Dekadda Dubai ee [Jabal Cali] ayaa ahayd mid si weyn ugu adeegi jirtay suuqa Qatar. Waxayna Dubai dhumisay suuqii ay lacagta badan ka heli jirtay ee Qatar.

Waxaa middaas usii dheer xiisada hada ka dhex taagan Imaaraadka iyo IRAN oo maalgashi badan ku lahayd suuqa Dubai. Tujaarta iyo Siyaasiyiinta Iran ayaa horey lacag badan u gelin jiray Dubai.

Shidaalka iyo Canshuurta
Dubai waxay sidoo kale ahayd halka ay lacagta badan ku baxshaan tujaarta Boqortooyada Sacuudiga, dakhligaasi ayaa sidoo kale hoos u dhacay kadib ololihii uu bilaabay Maxamed Bin Salmaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay Qiimaha shidaalka oo horey u kabi jirtay dakhliga dowlada Dubai, arrintaasi oo keentay in Dubai ay soo rogto Canshuurta VAT 5% bishii Janaayo 2019, canshuurtan ayaa keentay inay baxsadaan shirkado badan oo horey Dubai xarumo uga dhigtay.

Imaaraadka ayaa sidoo kale canshuur dul dhigay shirkadaha Tubaakada & Sigaar (100%) iyo cabitaanada (50%). Hay’ada IMF ayaa kula talisay Imaaraadka inay soo rogaan canshuuro si ay u kabaan hoos u dhaca ku yimid dakhligii ay ka heli jireen batroolka.

Shirkadaha waaweyn ee dhismaha ayaa hada joojiyey mashaariic badan oo ay wadeen oo lagu dhisayey guryo iyo xarumo cusub, kadib markii la waayey cid ka gadata.

Mashaariicda ugu waaweyn ee hada socda ayaa u badan kuwa loo dhisayo Suuqa Dubai 2020 EXPO, balse waxaa la filayaa in marka ay dhamaato xafladaasi EXPO ay inta badan xarumaha la dhisay ay faaruq noqon doonaan.

Xiisada Mushaharaadka

Hoos u dhaca dhaqaale ee yimid ayaa sidoo kale keenay in Imaaraatiga uu bixin waayo mushaharaadka in badan oo kamid ah shaqaalaha dhulkaasi ka shaqeeya ee ajnabiga ah, xili magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ay yihiin magaalooyinka ugu qaalisan dalalka Carabta dhinaca nolosha.

Mashaariicdii Berbera iyo Bosaso

Shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay imaarada DUBAI ayaa horey ugu guuleysatay inay heshiis kula wareegto dekaddaha Berbera iyo Bosaso, heshiisyadaasi oo ay la gashay Xukuumadihii hore ee Puntland iyo Somaliland.

Balse waxaan illaa iyo hada lagu guuleysan in shirkadaasi ay wax weyn ka fuliso balanqaadkeedii ahaa balaarinta labadaas dekaddood oo aan illaa iyo hada waxna laga qaban.

Somaliland oo todobaadyadan gorgortan cusub kula jirtay Shirkada DP World ayaa codsatay in la fuliyo balanqaadkii horey shirkadaasi u sameysay, waxaana la yaab noqotay kadib markii xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inaysan jirin wax qoraal iyo hab-raac ah oo ay ka heshay xukuumadii ka horeysay ee la xariirta qodobada ay xukuumadii Siilaanyo iyo DP world ku heshiiyeen.

Waxaan sidoo kale weli lasoo bandhigin qoraalka iyo qodobadii ay ku heshiiyeen xukuumadii hore ee Puntland ee Madaxweyne Gaas iyo DP World oo iyadu maamusha shirkada P&O ee lagu wareejiyey dekadda Bosaaso.

Fashilka ku yimid fulinta wajigii hore ee dhismaha dekaddaha Berbera iyo Bosaso ayaa lala xariirinayaa hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid mandaqada Dubai, burburkaasi dhaqaale oo la filayo inuu sii socdo maadaama ay hada shirkado badan ka guurayaan dhulkaasi taasi oo hoos usii ridi doonta dakhliga soogala imaarada Dubai iyo shirkadaheeda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media