golis

Beledweyne: Kooxo hubeysan oo dil u geystay sarkaal ka tirsanaa DF

Sida wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan dabley hubeysan ayaa magaalada Beledweyne dil ugu geysatay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Sarkaalka ayaa wararku ay sheegayaan in xiliga la dilayay uu kasoo baxay hoygiisa kuna sii jeeday saldhig ay ciidanka dowlada ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi  waxaana dilkiisa kadib lagu soo waramayaa in ay baxsadeen dableydii dilka u geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay waxaana ay bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay dilka.

Horseed Media 2019