golis

Muqdisho: Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay wadada Makka Al Mukarama

Muqdisho caasimada somalia

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay magaalada Muqdisho gaar ahaan baalle koronto oo u dhow wadada Makka Al Mukarama.

Dadka deegaanka ayaa kusoo baraarugay meydka wiilkan dhalinyarada ah oo yaala hareeraha wadada Makka ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Lama oga in la dilay wiilka dhalinyarada ah ee la arkay meydkiisa maadama la sheegay in aanay ka muuqan wax jirdil ama dhaawacyo ah oo loo aanayn karo in uu u geeriyooday wiilkan.

Dhinaca kalena Qarax xoogan oo xalay laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Guri ku yaalla Wadada Warshadaha ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaa loo maleynayaa in lagu farsamaynay guriga uu ka dhacay inkastoo ay socdaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay qaraxan.

Horseed Media 2019