golis

Taliyihii ciidanka Daraawiishta Puntland S/G Cabdishukri oo iscasilay

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa goordhawayd ku dhawaaqay n uu iska casilay xilkii taliyenimo ee uu ka hayay ciidanka Daraawiishta Puntland.

S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa waxa uu sheegay in warqadda iscasilaadiisa uu u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Inkastoo aan la ogeyn sababaha uu u isku casilay S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen hase yeeshee war laga soo xigtay Taliyaha ayaa sheegayay in uu codsi deg deg ah u jeediyay xukuumadda Puntland ,codsigaas oo ku saabsan in jawaab deg deg ah laga bixiyo dhaq dhaqaaqa uu maamulka Somaliland kawada gobolka Sanaag.

Si kastaba S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland waxaa loo magacaabay 28 October ee sanadkii 2018 xiligaas uu digreeto ku magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas.

Horseed Media 2019