golis

Soomaaliya oo joojisay isticmaalka diyaaradaha qadiimka ah ee Antonov

Dowlada Soomaaliya ayaa hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha qadiimka ah ee Antonov laga bilaabo 15ka bishan Maarso.

Qoraal kasoo baxay hay’ada duulimaadka u qaabilsan wadanka Soomaaliya ee [Somali Civil Aviation Authority (SCAA)] ayaa sheegtay in diyaaradaha la joojiyey ay kamid yihiin noocyada AN-24, AN-26, AN-32 iyo AN-12.

Hay’ada SCAA ayaa sheegtay inaysan dhawaanahan jirin shilal ay diyaaradaha noocaan ah galeen balse ay jiraan marar badan oo ay diyaaradahaasi halis galeen.

Soomaaliya ayaa bilowgii sanadkan mamnuucday diyaaradahan laga bilaabo 28kii bishii Feberaayo balse waxa hada la sheegay in wakhtiga uu dhaqan galayo go’aankan laga dhigay 15ka bishan Maarso.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha noocaan ah ay hada u badan yihiin kuwa ay isticmaalaan hay’adaha iyo kuwa xamuulka u sida ciidamada AMISOM.

Horseed Media