golis

Col.Caare ”Waxaan dhawaan gacanta ku dhignay wasiirka gaashaandhigga Somaliland waana sii daynay-COD

Kornel Siciid Cawil Jaamac caarre oo hogaamiya jabhadda la’dagaallanka Somaliland sheegay in dhawaan uu gacanta ku dhigay wasiirka Gaashaandhigga maamulka Somaliland Ciise Yuusuf Axmed (Xawar) kadib markii Caarre uu sheegay in wasiirka uu socdaal ku yimid gobolka Sanaag.

Waxa uu sheegay in siideynta wasiir Xawar ay ka dambeysay sida uu sheegay kadib markii uu tixgeliyay beesha wasiirka uu kasoo jeedo sidaas darteedna uu ku sii daayay.

Hadalkan ayuu Col.Caarre ka sheegay shir jiraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo fariisin u ahayd jabhadda uu hogaamiyo Korneelkan isagoona shirkiisa jiraa’id sidoo kale ka iclaamiyay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.

Col.Caarre

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar uu sheegay in maamulkooda ay gacanta kusoo dhigi doonan Col.Cawil Jaamac Caarre iyagoo kaashanaya sida uu sheegay ciidamadooda hadalkaas oo fajac badan abuuray.

Horseed Media 2019