golis

France oo la wareegtay baaritaanka shilkii Ethiopian Airlines

Dowlada Itoobiya ayaa u dirtay dalka France Qalabkii kaydka computerka diyaaradii Ethiopian Airlines ee burburtay Axadii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo baari doonaa magaalada Paris.

Shirkada Ethiopian Airlines ayaa maanta oo khamiis ah shaacisay in Wafdi ka socda Dowlada Itoobiya iyo shirkadaasi ay qalabkaasi u qaadeen caasimada Faransiiska si halkaasi loogu soo baaro.

Dalka Itoobiya ayaa sheegay inaysan awood ullahayn baaritaanka casriga ah ee loo baahan yahay in lagu sameeyo qalabka diyaarada soo dhacday si loo ogaado waxa sababay shilkaasi oo ay ku dhinteen 157 qof.

Shilkan ayaa keenay in dalal badan oo caalamka ah ay hawadooda ka mamnuucaan nooca diyaarada Boeing 737 MAX8 illaa inta laga ogaanayo cilada ku jirta nooca diyaaradaasi.

Horseed Media