golis

Xildhibaanada Kenya oo diiday Maalgelinta Darbiga Xaduuda Kenya-Soomaaliya

Baarlamaanka Kenya ayaa qaadacay codsiga dhaqaalaha Xukuumada Kenyatta dooneyso inay ku dhisto darbiga xaduuda wadankaasi la wadaago dalka Soomaaliya.

Mashruucan oo ay xukuumada Kenya bilowday sanadkii 2013 ayaa keenay xiisad ka taagan xadka gobalka Gedo la wadaago Kenya oo la sheegay inay Kenya soogashay dhinaca dhulka Soomaaliya.

Balse mashruucan oo ahaa in darbi Kenya ku xirto xadka dhul gaaraya 700km oo si rasmi ah u bilowday sanadkii 2015 ayaa marar badan u joogsaday dhaqaalo la’aan, tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay dhismaha darbigan ayaa gebi ahaan joogsaday.

Waxaa sidoo kale jiray cadaadis ka imaanayey dadka ku dhaqan nawaaxiga xaduuda, waxaana marar badan kulamo yeeshay Maamulada ka kala socda degmada Mandhera iyo gobalka Gedo.

Fadeexada Dhaqaalihii darbiga

Illaa iyo hada dowlada ayaa sheegtay inay dhistay darbi silig ah oo gaaraya 10km, waxayna sheegtay inay ku baxday  lacag ka badan $35 milyan oo dollar, arrintaasi oo lala yaabay.

Xildhibaanada Mucaaridka ayaa sheegay in mashruucan lacag badan lagu lunsaday isla markaana u baahan yihiin in Xukuumada faah faahin ka bixiso qaabka loo bixiyey lacagta mashruucan.

Baarlamaanka Kenya ayaa maanta ka codsaday xukuumada Kenya in lacagta ay ku khasaarineyso dhismahan ay u weeciso la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xili ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca xadka badda, kiiskaasi oo la filayo in sanadkan ay go’aan ka gaarto Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Horseed Media