golis

Axmed Madoobe ”waa la xaliyay khilaafka Jubaland iyo Dowlada Federaalka

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaciyay in uu heshiis la gaaray dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya kadib munaasabad xalay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafkii maamulkiisa kala dhaxeeyey dowladda Federaalka isla markaana wixii mad-madow ah ee jira lagu dhameynayo wadahadal.

Waxa uu sheegay in dhawaan uu tagayo Magalada Muqdisho si halkaas loogu soo afjaro khilaafka maamulka uu hogaamiyo kala dhexeeya dowlada Federaalka.

Hadalkan ayuu ka sheegay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Kismaayo loogu sameeyay wefdi uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Si kastaba Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa khilaaf xooggan uu ka dhex qarxay bishii September ee sanadkii 2018 markaas oo maamulka Axmed Madoobe uu magaalada Kismaayo ku martigeliyay shir ay isugu yimaadeen madaxda maamul goboleedyada kaas oo looga dhawaaqay gole la magac baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada.