golis

Farmaajo iyo Geelle oo si wadajir ah xariga uga jaray safaaradda cusub ee Jabuuti-Sawiro

Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha safaarada cusub ee Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta ugu sareysa labada dowladood ee Jabuuti iyo Soomaaliya ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Safaarada cusub ee Jabuuti ayaa noqonaysa ah safaraadda labaad ee ugu weyn Muqdisho iyadoo kaliya ay ka weyn tahay safaarada Turkiga ee Soomaaliya taas oo ah safaarada ugu weyn uu Turkigu ku leeyahay Dunida.

Si kastaba ha ahaatee Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay bogaadiyeen.

Horseed Media 2019