golis

Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab iyo ilaaladiisa oo lagu dilay Shabeelaha Hoose-COD

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubaysan oo taageeraya dowladda Fedraalka Soomaaliya ay khaarijiyeen sargaal sare oo katirsanaa Alshabaab.

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Gargaduud ayaa Alshabaab uqaabilsanaa degaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaana wararku ay sheegayaan in lala dilay rag isaga ilaalo u ahaa.

Dhinaca kale dagaal kooban oo dilka sargaalka kadib dhacay ayaa waxaa ka qayb qaatay ciidamo katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawacyo.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay HM ayaa sheegay in ciidanka DFS iyo maleeshiyaadka deegaanka ay iska kaashadeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab isagoona sharaxaad kooban inaga siiyay howlgalka lagu dilay sargaalka shabaabka ah ee ka dhacay deegaanka Yaaqbarawayne.

Hadaba G/ku xigeenka ayaa waxa uu u waramay Wariye Cumar Lakiman

wareysga gudoomiye ku xigeenka Sh/Hoose

Horseed Media 2019