golis

Eritrea oo xiriir ugub ah la sameysanaysa Somaliland-Sawiro

madaxweynaha Somaliland wasiirka arimaha dibada Eritrea

Waxaa maanta magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland booqasho ku tagay wefdi uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda ee dalka Eritea Cismaan Saalax isla markaana uu qeyb ka yahay la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Eritrea .

Masuuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wasiir Saalax kusoo dhaweeyay Hargaysa iyadoona soo dhaweyn kadib ay labada masuul wada yeesheen kulan albaabada uu u xirnaa.

Kulanka Biixi iyo wasiirka arimaha dibadda ee Eritrea ayaa lasoo warinayaa in diiradda lagu saaray iskaashi iyo xiriir ugub ah oo dhex mara maamulka Somaliland iyo Eritrea sida lagu shaaciyay warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo ka warbixinayay safarka wasiirka arimaha dibadda Eritrea uu kusoo gaaray Hargaysa iyo kulanka uu la qaatay madaxweynaha Somaliland ayuu sheegay in uu kusoo dhamaaday guul isla mar ahaantaana labada masuul ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.


Waxa aanu halkan kusoo dhoweynay Wefdi heer sarre ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka Eritrea iyo la taliyaha Madaxweynaha Eritrea oo halkan maanta noogu imid, waxa ay u yimaadeen in ay iskaashiga iyo wada-xidhiidhka dalalka Geeska Afrika gaar ahaan labadaa dal ee Eritrea iyo Somaliland ay ka shaqeeyan oo ay xoojiyaan, sida Arrimaha looga wada hadli lahaa ee aara iyo fikir la isku dhaafsan lahaa ayey u yimaadeen, si wanaagsan ayaa inaguna xagayaga u soo dhoweynay, waana arrimo loo baahna, si wanaagsan baana u wada hadlanay” ayuu yiri wasiir Faratoon.


Dhankiisa wasiirka arimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax ayaa ka warbixinayay socdaalka isaga iyo wefdiga uu hogaaminayo ay ku tageen magaalada Hargaysa isagoona socdaalka ku sifeeyay in uu ahaa mid lagu indha indhaynayo xaalada guud ee Somaliland.

Wefdigayaga kasocda dalka Eritrea waxaa nasoo direy Madaxweynahayaga Isaias Afwerki, si aan wax badan uga ogaanno xaalada Somaliland, imikana waxa la gaaray wakhtigii aan xaalada Somaliland qiimeyn lahayn, waan la kulanay Madaxweynaha warbixin xiiso leh ayuu nasiiyey, waxana uu noo sharaxay xaaladdaha guud haatana waxaan noqonaynaa anagoo Madaxweynaheena u sidna xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland,

Wasiirka arimaha dibada Eritrea Cismaan Saalax ayaa sidoo kale sheegay in booqashada ay maanta ku tageen Somaliland aysan noqon doonin booqashadii ugu dambeysay ee ay ku tagaan Somaliland hayeeshee ay marar badan booqan doonaan

Tanina noqon mayso booqashadii ugu dambeysay ee waxa ay noqon doonta mid hadda daahfurantay oo waxa aan rajeynaynaa in aan Somaliland marar badan kusoo laabano.

Si kastaba Booqashada Cismaan Saalax wasiirka arimaha dibadda Eritrea ayaa noqonaysaa tii ugu horeysay oo ay masuuliyiin ka tirsan Eritrea ku tagaan Somaliland iyadoona ay xusid mudan tahay in safarka wasiirka arimaha dibadda Eritrea uu kusoo aadayo xili ay isbedelo xoog lihi ka socdaan gobolka Geeska Afrika.

Horseed Media 2019