golis

Deganaansho laga dareemayo deegaanka Xeraale-COD

Galgaduud Somalia

Waxaa dagan xaalada deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud kadib dagaal khasaare geystay oo shalay halkaasi ku dhexmaray labo maleeshiyo oo qaab beeleed u abaabulan.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ayaa waxa ay sheegayaan in in kabadan 15 ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka tiro intaas ka badan ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Masuuliyiinta deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadka dhaawacyada culus uu kasoo gaaray dagaalka loo qaaday cisbitaalada ku yaala degmooyinka ku dhow si halkaas lagula tacaalo xaaladooda caafimaad.

Bashiir Daahir Dhagabadan oo ah gudoomiyaha deegaanka lagu dagaalamay ee Xeraale ayaa wareysi gaar ah uu siiyay HM ku sheegay in haatan xaaladu ay tahay mid degan.

Gudoomiyaha ayaa dagaalka ka qarxay Xeraale ku sifeeyay Shacabka degmadaasi iyo Maleeshiyaad laga soo abaabulay magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.


Bashiir ayaa sidoo kale sheegaya in hurinta colaadaasi ay qeyb weyn ku leeyihiin masuuliyiinta ugu sareysa maamulkii horey loo oran jiray Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Wareysiga gudoomiha Xeraale iyo Weriye Cumar Lakiman

HORSEED MEDIA 2019