golis

Shabaab oo Weerar Saddex Jiho ah Ku Qabsaday Degmada Balcad

Maleeshiyaad Ururka Alshabaab ayaa la sheegayaa in xalay weerar saddex dhinac ah ay ku qaadeen degmada Balcad oo 30 km dhinac waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Maleeshiyaadka alshabaab oo koox koox u socda ayaa weerar kedis ah ku qaaday xarumaha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwo Amisom ee ku yaal Magaalada Balcad.Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu socday ilaa saqdii dhexe ee xalay.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay gudaha u soo galeen degmada Balcad

“Marka hore waxay dagaalka ka soo qaadeen wadada Kulanka ee dhinac Jowhar, halkaasi oo ciidamo xoog leh ay ka soo dagaalameen, waxay kaloo dagaal ka soo qaadeen dhinaca jidka basra ee ka yimaada degmada Afgooye” ayuu yiri afhayeenka Hirshabelle

Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay isaga baxeen magaalada, isagoo ku sababeeyay tiradooda aad u yarayd. waxaa kaloo xusay in jiraan khasaare nafeed iyo hantiyeed oo ka dhashay weerarkaasi

Maleeshiyaadka alshabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 23 askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ka soo jeeda dalkaasi burundi, sida ay ku faafiyeen warbaahinta Alshabaab.

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in xaalada magaalada Balcad ay haatan degan tahay ka dib markii Maleeshiyaadkii Ururka Alshabaab ee xalay qabsadeen magaalada Balcad, kadibna ay isaga baxeen.

HORSEEDMEDIA 2019