golis

Wasiir Sabriye oo gaaray Dhuusomareeb kulanna la leh masuuliyiinta Galmudug

Wefdi uu hogaamiyo wasiirka arimaha gudaha Federaalka iyo dib i heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed sabriye ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa wefdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhuusomareeb iyadoona soodhaweyn kadib wefdigaoo galbiyay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb.

Si dhab ah looma oga ujeedada wefdiga ka socda Dowlada Federaalka ay maanta ku tageen magaalada Dhuusomareeb hase yeeshee waxaa warar aan helayno ay sheegayaan in safarka masuuliyiintan uu la xiriiro arimaha xalinta khilaafka maamulka Galmudug iyo dowlada Federaalka.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta Galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumaddiisa ayaa haatan madaxtooyada Galmudug kulan albaabada u xiran yahay kula leh wasiirka arimaha gudaha Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo masuuliyiinta kale ee ku wehlisa safarka Dhuusomareeb.

Horseed Media 2019