golis

Khayre oo Muqdisho Marti-qaad u sameeyay Axmed Madoobe [DAAWO]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa xalay waxa uu hoygiisa casho sharaf ugu samaayeeyay madaxwayaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahan Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay cashada uu ku sharfay isaga iyo wafdiga ku wehliya socdaalkiisa magaalada Muqdisho.

Casho sharafta kadib ayaa ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxwaynaha Jubaland, waxa ay kormeereen qaybaha uu ka koobanyahay xafiiska Ra’iisul Wasaararaha oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sharaxay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka.

HORSEEDMEDIA 2019