golis

Maxay kawada hadleen madaxweynaha Jubaland iyo Danjire Donald Yamamato

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay danjiraha dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Kulanka labada Masuul oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa taageerada Mareykanka uu siiyo dowlada Federaalka gaar ahaan maamulka Jubaland iyo arimo kale.

Lama oga waxyaabaha kale ee looga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamato.

Madaxweynaha Jubaland oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa soo gaba gabeeyay booqashadiisa isagoona tilmaamay in safarkiisa Muqdisho uu kusoo dhamaaday guul.

Horseed Media 2019